Faallo: Xasan Sheekh oo soo bandhigay Qabyo 1, oo ballan qaadey Qabyo 2 -VIDEO

Published: January 3, 2017

Madaxweynaha xilku ka dhamaadey ee Soomaaliya ahna musharax mar kale doonaya in dib loo doorto Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii xalay qabtey xafladiisi labaad ee uu ku soo bandhigayo sababta uu ku muteystey in mar labaad dib loogu doorto xilka.

Halkudhigga Xasan Sheekh ayaa ahaa: Qabyo Qofkeedaa qaybyo-tira.

Xafladda ol-olaha Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka soo qaybgalay dad tiradooda lagu sheegay 300 oo qof oo ay kamid yihiin Xildhibaanada dhawaan la doortey, waxaana goobta lagu xardhey midabada Cagaarka & Caddaanka, sidoo kale waxaa dadka qaarkiis ku soo labisteen funaanado cagaaran, koofiyado cagaaran iyo iskaaf cad kuwaas oo calaamad u ahaa Xisbigii Xasan Sheekh Maxamuud asaasey ee PDP. Qaar kamid ah Xildhibaanada federaalka ayaa la arkaayey iyaga oo ku labistey koofiyadaha ol-olaha halka qaar kale aysan xiran wax calaamad ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddii uu ka jeediyey munaasabadda uu ku soo bandhigaayey waxa uu ku muteystey in mar kale dib loogu doorto diirada ku saarey qodobo uu sheegay in ay QABYO ka yihiin afartii sano ee la soo dhaafey, ayna muhim tahay in ay dhamaystiraan waxaana kamid ahaa:

Xasilinta dalka:

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in barnaamijka xasilinta dalku meel fiican maraayo, laakiin muddadii loo dhaariyey xilka aysan ku guuleysan in ay dalka xasiliyaan, waxaana uu hoosta ka xariiqey Qaybadaas ninka dhamaystiri kara in uu isaga yahay, hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya iyada oo saacado ka hor qaraxyo waaweyn lagu weeraray xarumaha amnigooda aadka loo sugay ee Xalane, iyo Garoonka Diyaaradaha.

Dhamaystirka dastuurka:

Qodobkan oo ahaa midka saldhigga u ahaa in doorashadu ay dib ugu noqoto sidii hore, in Madaxweynaha iyo Xukuumada Federaalkubba ay xafiisyada joogaan xili aan sharci ahayn, ayaa Xasan Sheekh sheegay in Dastuurkii qabyo ka yahay weli ayna mudan tahay in fursad loo siiyo in uu dhamaystiro.

Dhimsha Ciidan Qaran:

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in isku dhafka ciidanka iyo dhismaha ciidan Qaran ay ahayd wixii ay ballan qaadeen laakiin ay weli qabyo tahay haddii fursad nala siiyo mar kale waxaa ciidankeenu la wareegi doonaa amniga dalka oo dhan ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhamaystirka maamul goboleedyada

Xasan Sheekh ayaa sheegay in maamulada jira ay yihiin kuwo kumeel-gaar ah oo aan kala caddeyn awoodahooda iyo tan Federaalka, sidaas darteed fursad afar sano oo kale ah la siiyo in uu qaybyadaasna dhamaystiro.

Qodobada kale ee Xasan Sheekh Maxamuud ka hadley waxaa kamid ahaa daabacadda lacagta Soomaaliga oo uu sheegay in aad loogu baahan yahay dalkuna lacagtii ay ka dhamaatey afartii sano ee u danbeysey, wuxuu sheegay in ay soo dhamaystireen dhamaan sharciyaddii loo baahnaa lacagna uu soo daabacayo. Dhanka shidaalka iyo kheyraadka ayuu sheegay in ay bilaabeen xog iyo sahan socotey afar sano maantana dalka ay garanayaan meelkasta oo kheyraad ku jiro, fursdadna loo siiyo in uu webiyada kheyraadka dalka oo dhan gaarsiiyo si siman oo caddaalad ah.

Falanqeyn

Khudbadda Madaxweynaha ee Musharaxnimadiisa ayaa waxaa hareeyey barnaamij wada qaybo ah oo afkiisa ka qirey in ay ku guuleysan waayeen himilooyinkii loo doortey kuwaas oo uu ku sheegay in ay yihiin qabyo.

Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doorto, taas oo dastuurku u oggolaanayo in uu laba jeer keliya xilka qaban karo ayaa dad badan is weydiinayaan Madaxweyne aan rajo ka qabain in dib loo soodoorto sida uu maamulkiisu u ekaanayo afarta sano ee soo socota haddii la arkey xiligiisi ugu horeeyey oo barnaamijkiisa uu ku soo geba-gebeeyey QAYBO 1, sidee ayaa Qabyo 2 u ekaan doontaa?.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *