Gaalkacyo Oo Laga Hirgaliyay Warashadii Ugu Waynayd Soo Saarka Biyaha Soomaaliya.

Published: January 3, 2017

Waxaa maalintii shalay xariga laga jaray warshada Furaat oo ah warshad soo saarta biyaha macaan, waxaana xariga ka jaray madaxweyne xigeenkii hore Dowlada Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagab, waxaana ka qaybgalay masuuliyiin masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, ganacsato iyo martisharaf kale

Saleebaan C/ Cali oo kamida ganacsatada reer Puntland ee warshadaan maalgashaday ay in qaybtii labaad ee shirkadaan furaat ay ay hada fureen awal ay biyaha kaliya sifayn jireen balse hada ay qaybo badan ay soo saarayaan.

” Mudo badan ayaan ka shaqaynanay furitaanka qaybtaan waa warshada maanta ugu wayn soomaaliya oo biyaha soo saarta markii la fiiriyo awoodeeda Warshaadan maalinkii waxay soo saari ka dhaa 4000( afar kun) oo kartoon warshad kale oo soomaaliya ku taal oo maalinkii afarkun oo kartoon soo saari kadhaa majidho ayuu yiri saleebaan C/ Cali

Saleeban C/ Cali ayaa sheegey in qalabka ay iscticmaalayaan uu yahay mid lamida noocyada laga isticmaalo dunida warshada min bilow ilaa dhamaad waxaa shaqaynaya qalab( machines) qofna gacan masaarayo dhaman soo sarida biyaha waxaa ka shaqaynaya qalab casri ah.

Faarax Bootaan oo kamida ganacsatadii kulanka ka qayb galay ayaa soo dhaweeyay ganasatada hirgalisay warshadaan soo saaraysa biyaha nadiifkaa isagoo ku sheegey inay yihiin kuwo unaxay dadka iyo deegaanka

” Biyuhu waa aas aaska nolosha hadii biyihu dadka u hagaagaan waxan shaki ku jirin waxaa weeyaan xanuuno badan oo latabanayay iyo wax badan oo la sheeganayay in laga bad baadayo ilaahay idankii hadii la helo biyo nadiifa oo laysku halayn karo ayuu yiri Faarax bootaan oo kamida ganacsatadii madasha ka hadashay.

Dr C/jaamac oo kamida dhakhaatiirta magaalada gaalkacyo ayaa sheegey in xogwaran badan uu la yeeshay masuuliyiinta shirkada uu heley xog ah in biyahaan laysku halayn karo tayo ahaana ay yihiin biyo aan is badalay.

” Waxaana masuuliyiinta shirkada widiiyay tayada biyaha ay soo saarayaan qalabka ay istcmaalayaan cagaadaha biyaha ay ku shubayaan waxaana ay iisheegeen in dhamaan biyahan ay yihiin kuwo tayo ahana u wanagsan waana hormar aan gaarney ayuu sii raaciyay Dr C/Jaamac.

Gunaanadkii, Warshadan Furaat oo ah warshad soo saaraysa biyaha caagadaha ku jira qaybohooda kal duwan ayaa waxaa wajigii koowaad ee shirkada waxaa la furey 2015 xiligaas oo ay soo saari jidhay biyaha loo iibgeeyo meheradaha iyo kuwo baco ku jiraan waxaana hada la furey qatbtii labaad oo soo saraysa maalinkii afar kun oo kartoon oo isgu jira qaybaha caagadaha kala duwan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *