Madaxweynaha Puntland oo Ku Soo Wajahan Bosaso.

Published: January 3, 2017

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo muddo saddex toddobaad ah howlo shaqo u jooga Magaaladda Muqdisho ayaa maanta ku soo wajahan magaaladda Bosaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha oo magaaladda muqdisho kaga qaybgalay shirkii Madasha hoggaamiyayaasha Qaran oo muddo toddobaad ka soconayay muqdisho, kaasi oo lagu soo gunaanaday barnaamijii doorashadda dadban ee doorashadda barlamaanka soomaaliya, Waxaa kaloo mudaduu uu ku sugnaa muqdisho uu heshiis cusub la galay madaxweynaha maamulka Galmudug oo ay ku heshiiyeen saddex qodob oo lagu soo afjarayo colaadii Galkacayo, la iskuna furo ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in ku sugnaanayo magaaladda Bosaso waqti aan la cayimin, waxayna ku soo aadaysaa imaanshihiisu iyadoo magaalada ay ka dhaceen dilal loo gaystay saraakiil ka tirsanaa dowladda Puntalnd saddexdii toddobaad ee u dambaysay, islamarkaana amniga magaaladda aad kor loogu qaaday.

Horseed media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *