Turkiga oo aqoonsadey qofkii weerarka ku qaadey Kilaab ku yaala Istanbul

Published: January 3, 2017

Booliska dalka Turkiga ayaa faafiyey sawirada ninka lagu tuhunsan yahay in uu ka danbeeyey weerar lagu diley 39 qof oo ka dhacay Kilaab ku yaala Istanbul habeenkii sanadka cusub ee dhashey. baadigoobka ninkan ayaa si xawli ah weli uga socda gudaha dalka Turkiga. Booliska ayaa sheegay in uu yahay 28 jir u dhashey dalka Kirgizistan ee horey uga mid ahaan jirey Midoga Sofiyeytiga USSR.

Ninka la tuhunsan yahay ee sawiradiisa la faaafiyey ayaa horey ugu soo dagalamey ururka IS gudaha dalka Siiriya, sida uu qorey Wargeyska H├╝rriyet. Sida laga soo xiganayo Waregyska H├╝rriyet ninka la tuhunsan yahay ayaa khabiir ku ah dagaalada magaalooyinka dhexdooda.

27 qof oo kamid ah dadka uu ku diley Kilaabka ayaa ahaa Ajaanib u dhashey dalalka Carabta.

Ninka weerarka ku qaadey Kilaabka Reina ee magaalada Istanbul ayaa ridey 120 xababdood, 28 kamid ah ayaan haleelin halkii uu ku ridey sida ay qortey H├╝rriyet.

Masuuliyadda weerarkan waxaa sheegtey ururka la abxay Dowladda Islaamka ee loo yaqaan daacish.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *