Al-Shabaab oo shaaciyey ninkii fuliyey weerarkii Hotel Peace -SAWIRO

Published: January 4, 2017
GAARIGA XAMUULKA BOMKA AH SIDA EE HOTEL PEACE LAGU QARXIYEY

Ururka al-Shabaab ayaa sii daayey waraysi ay ka qaadeen mid kamid ah kuwii weeraray Hotel Peace iyo barta kontroolka ee Xalane laga waardiyeeyo.

Ninka weerarka geystey ayaa ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana ay magiciisa ku sheegeen Maxamad Abuukar Maxamad Calasoow.

Calasow ayaa wedey gaariga weyn ee xamuulka ah ee dusheesana lagu soo raray fuustooyinka si qaraxu u dhaliyo khasaare aad u weyn. Calasow ayaa ku nolaan jirey magaalada Balcad ka hor inta aanu kamid noqon al-Shabaab.

Sawiro ay qaadey kaamarada CCTV ayaa muujinaya gaari fuustooyin ku rararn yihiin oo keligiis jidka Garoonka maraaya kaas oo ku qarxey derbiga Hotel Peace, waxaana dadku is-weydiinayaan sida gaarigan qaabkaas u eg uu waddadaas u marey ama uga soo leexdey isgoyska Km4.

Al-Shabaab waxay sheegteen in ay weerarka ku dileen 30 qof. Waxaa ilaa hadda la xcaqiijiyey in ay ku geeriyoodeeyn 5 qof iyo labada qof ee weerarka soo qaadey, iyada oo maalin kadib laga heley burburkii laba qof oo kale oo meyd ah taas oo tirada dadka ku dhintey ka dhigeysa 7 iyo kuwii weerarka soo qaadey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *