Dallada PUNSAA Oo Warmurityeed Ka soo Saartay Kala Xadaynta Degmooyinka Puntland.

Published: January 4, 2017
Nuur Shire Cismaan Guddoomiyaha dalladda PUNSAA

Ka dib markii kullamo looga hadlayey xuduud u kala samaynta degmooyinka, tuulooyink aiyo goboladda Puntland lagu qabtay qaar ka mid magaalooyinka Puntland, ayaa Dallada ururadda aan dowlig ahaayn ee PUNSAA waxay magaaladda Garoowe ka soo saartay warmurtiyeed ay kaga hadashay waxyaabihii ka soo baxay shirarkii wadatashig ahaa ee la qabtay.

Warmurtiyeedka waxaa lagu xusay in wixii ka dambeeyay dhismihii dowladda Puntland 1998dii ay laban laabmeen degmooyinkii iyo goboladii ay Puntland ka koobnayd oo ahaa markii hore ahaa 5 gobol iyo 20 degmo, balse hadda maraya 9 gobol iyo 43 degmo, iyadoo degmooyinka iyo goboladda cusub ee la soo kordhiyay aan lagu dhisin shuruudaha looga baahan yahay soo kordhinta degmo iyo gobol.

Warmurtiyeed waxaa lagu iftiimiiyay dhibaatooyinkii ka dhashay degmooyinka iyo goboladda la soo kordhiyay, waxaan lagu taliyay in wasaaradda arrimaha gudaha ay masuul ka noqoto dar dar gelinta maaryenta howlaha xadaynta degmooyinka iyo goboladda Puntland ka hor inta aan la gaarin doorashooyinka 2019ka.

War-murtiyeedkii oo dhamaystiran Hoos ka akhriso.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *