Prof. Jawaari oo ku dhawaaqay musharaxnimada Guddoomiyaha Baarlamaanka-Video

Published: January 4, 2017

Waxaa maalintii shalay si rasmi ah u bilowdey diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya Guddoomiayaha Aqalka Hoose iyo labadiisa ku-xigeen.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan(Jawaari) ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax mar kale u tartamaya xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu saakay Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu yiri “kadib markii aan qadariyey xaaladda dalka uu marayo howlaha adag ee na sugaya, umadda Soomaaliyeed oo maanta u baahan iney hesho hogaan wanaagsan ha noqoto xaga sharci dejinta iyo fulinta, hogaankaas oo Alle ka raali yahay ,ma fududa xilka hogaaminta Baarlamaanka waxaan aad u qadariyey tallooyin iyo codsiyo badan oo iga soo gaarayey Shacabka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan ha ahaadaan Haween,dhalinyaro,siyaasiyiin iyo Xildhibaanno aad u tira badan oo iga codsaday inaan mar kale usoo istaago hogaaminta Golaha Shacabka”.

 

Jawaari ayaa taageero badan ku dhex leh Xildhibaanadii hore, sidoo kale xildhibaanada danbe ayaa si weyn ula dhacay sida uu u maamuley muddadii kala wareejinta, soo dhaweynta iyo sameynta aqoonsiyada cusub. Prof Jawaari ayaa dadka dhaliilaa sheegaan in uu yahay qof aan isticmaalin awoodda Baarlamaaniga ah ee uu lee yahay, waxaase lagu amaanaa in uu yahay nin dowli ah oo garanaya nidaamka Dowladnimo taas oo ka dhigtey xafiiskiisa midka ugu maamul-wanaagsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Musharaxnimada Maxamed Cismaan Jawaari ayaa hoos u dhigeysa damaca Cabdirashiid Xiddig uu ku doonaayey in uu markii u horeysey wax ka beddelo nidaamka hab-qaybsiga. Musharixiinta kale ee guddoomiyaha ee ku dhawaaqaya saacadaha soo socda waxaa kamid ah Maxamed Mursal oo Wasiir ka ahaa xukuumadda Federaalka oo isaguna ah nin miisaan culus ku leh siyaasadda.

Sidoo kale waxa ay mugdi gelineysaa damaca Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Adam oo u ordaya in uu Soomaaliya Madaxweyne ka noqdo.

Dhanka Guddoomiye ku-xigeenka kowaad waxaa u taagaan ilaa iyo 5 Xildhibaan. Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Siciid Xuseen Ciid ayaa kamid ah xubnaha orodka ugu jira sanadkan inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana kamid ah xildhibaanada xilkaas kula tartamaya Khadiijo Diiriye, Cabdiweli Muudey iyo Jeylaani Iikar.

https://youtu.be/M2ZTY0zKsN0

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *