Sheekh Shible oo Xildhibaanada uga digey in ay ku dhacaan laba denbi -VIDEO

Published: January 4, 2017

Sheekh Maxamuud Shible oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaa uga digey Xildhibaanada labada aqal in ay galaan laba denbi oo waaweyn.

Sheekha ayaa sheegay in laaluush la qaato ama la bixiyo ay tahay denbiyada waaweynn, waxaase ka sii daran in Xildhibaanadu ay ku ciyaaraan masiirka dalka oo ay doortaan Musharax ay laaluush ka qaateen kaas dalka meel xun u horseedi kara.

Sheekha ayaa sheegay in dhaarta la dhaariyo xildhibaanka qaata laaluushka ay tahay mid aan waxba ka jirin oo iyaduna been ku dhisan, sidaas darteedna aysan ku dhicin laba denbi oo ah in ay laaluush qaateen iyo in ay u codeeyaan kii ay laaluushka ka qaateen iyaga oo sheegaya in ay dhaarsan yihiin.

Qaar kamid ah Musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaa doonaya in ay xilka ku gaaraan dhaqaale iyo laaluush ay bixiyaan, waxaana ay dhaar mariyaan Xildhibaan kasta oo lacag ka qaatey maadaama doorashadu ay tahay mid qarsoodi ah oo aysan hubin cidda codka siineysa, waana midda sheekhu ka digayo in dhaartaasi ay baadil tahay waxbana laga soo qaadeyn.

Daawo

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *