Abaaro xoogan oo ku dhufatay deegaano ka tirsan gobolka Sool

Published: January 5, 2017

Deegaanka Xalin oo hoos tagta degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa la sheegayaa in ay ka taagan tahay xaalad abaareed oo aad u daran, isla markaana saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Isimada, odayaasha iyo haweenka deegaankaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkii reer guuraaga ahaa ay naq raaci waayeen xoolihiina ay ka dhammaadeen, iyadoo haysan cunto iyo biyo midna.

Qaar ka mid ah dadka iyo xoolaha ayaa macluul awgii uga guuri waayey deegaanka, halka kuwa kale ay isag baxeen deegaanka Xalin ee gobolka Sool.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid u gurmatay dadka ku dhiibaysan deegaanka xalin ee gobolka Sool, inta badan gobolada dalka ayaa waxaa ku habsaday abaar aad u daran.

Deegaanka Xalin ayaa ah degaan hore ugu wanaagsanaa beeraha.

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *