Hiiraan: Michael Keating oo gaaray Beledweyne

Published: January 5, 2017

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa maanta booqasho u tagay xarunta gobalka Hiiraan.

Booqashada Keating ee Beledweyne ayaa la xariirta arrimaha siyaasada ee Maamulka Hirshabeele iyo arrimaha xaalada Abaaraha ka jira Soomaaliya.

Ambassador Keating ayaa kulamo la yeeshay maamulada gobalka Hiiraan iyo magaalada Beledweyne. Wuxuu sidoo kale kulan gaar ah dhexmaray Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kamid ah Issimada Hiiraan ee iyagu ka horyimid dhismihii maamulka Hirshabeele ee dhamaadkii sanadkii hore lagu dhisay magaalada Jowhar

Wax faah faahin ah lagama bixin kulamadii ay albaabadu u xirnaayeen.

Wafdigan ka socda Qaramada Midoobay ayaa booqday suuqa xoolaha ee magaalada Beledweyne, iyagoona la kulmay ururada Bulshada ee magaalada oo ay kala hadleen xaalada abaaraha iyo horumarinta gobalka Hiiraan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *