Maxaa Ka Soo Baxay shirkii Gollaha Wasiiradda Puntland ee Bosaso Lagu Qabtay?

Published: January 5, 2017

Shirka Gollaha xukuumadda dowladda Puntland oo uu shir-Guddoominayay madaxweynaha dowladda Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas, oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee Bosaso ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin, amniga dalka, xaaladda Abaaraha, safarka Madaxweynaha iyo xeerar kala duwan oo lagu ansixiyay.

War-murtiyeedkii ka soo baxay gabagabadii shirka ayaa lagu sheegay in dowladda Puntland aysan marna u dulqaadan doonin inay ururadda argagixisadu ee Al-shabaab iyo Daacish ay ku sugnaadeen dhulka Puntland, waxaa kaloo war-murtiyeedka lagu sheegay in Madaxweynuhu amar ku bixiyayinla xoojiyo Wad-shaqayntii laamaha dowladda iyo soo celintii amniga bilicda magaaladdaBoosaaso, sidookalena la ilaaliyo masuuliyadda ka saaran dowladda amniga shacabka Puntland.

War-murtiyeedkii Gollaha Wasiiradda oo Dhamaystiran Halkan Ka Akhriso.

Xaaladda amniga Dalka.

Gollaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa ku dheeraaday sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa amniga dalka loogana hortagi lahaa ururadda argagixisada ah ee al-shabaab iyo Daacish, sidoo kale goluhu wuxuu caddeeyay in aysan marna u dulqaadan doonin in ay ku sugnaadaan gudaha Puntland ururada argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale, Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa u sheegay gollaha in la ilaaliyo masuuliyadda ka saaran dowladda amniga shacabka Puntland, laamaha amniguna ay ka hortagaan cidkasta oo isku dayda in ay wax-yeeleeyaan deganaanshaha iyo xaislooniddda degaamadda Puntland.

Xaaladda Abaaraha

Gollaha xukuumadda Dawladda ayaa ka war-bixiyay xaalada abaaraha Puntland iyo waqtiga dheeer ee ay dowladda iyo shacabkeedu wadeen gurmadka abaaraha, sidoo kalena la gaarsiiyey dadka ay wax-yeelaysay abaartu biyo dhaamis gaaraya 3425 oo booyadood, islama markaana loo qaybiyey raashin kala duwan 3280 qoys oo la tabaalaysan Abaarta.

Golaha xukuumadda Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ka war-bixiyey degmooyinka Bander Bayla, Rako, Isku shiban, Ceelaayo iyo Laas-qoray oo ay ka da`een roobab, isla markaana ay isugu soo guureen dad reer guuraaga ah oo ka kala yimid waqooyiga iyo koofnurta Soomaaliya, hadana ay dawladdu u kala dirtay kooxo dhakaatiir ah oo daaweynaya dadka iyo duunyadda isugu soo guuray degmooyinkaas, si looga hortago khatar caafimaad xumo oo ka dhalata deegaamadaasi.

Safarkii Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga war-bixiyey gollaha xukuumada safarkii shaqo ee uu ku tagay magaalada muqdisho iyo waqtiga lagu jiro ee doorashooyinka Soomaaliya oo ah waqti kala guur ah, islamarkaana dowladda Puntland ay u rajaynayso ummada Soomaaliyeed madax soo celisa sharaftii iyo haybadii Soomaaliya.

sidoo kale madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa kala hadlay gollaha xukuumadda in la xoojiyo Wad-shaqayntii laamaha dowladda iyo soo Celintii bilicda magaalooyinka Puntland gaar ahaan magaaladda ganacsiga ee Boosaaso oo ah magaalo ay ku nool yihiin shacab tiro badan ayna muhiim tahay in la ilaaliyo amnigeeda, lagana hawl-galo bilicdeeda iyo hagaajinta wadooyinkeeda sida ugu dhaqsaha badan.

Ansixinta Xeerka ilaalinta Qaxootiga

Golaha xukuumadda dowladda Puntland ayaa maanta ansixiyay xeerka ilaalinta qaxootiga xeerkan oo ah xeerkii ugu horeeyay ee laga hawl-geliyo Soomaaliya isla markaana qeexaya cidda loo aqoonsan karo qaxooti, sidoo kalena caddaynaya cidda ay ka reeban tahay in loo aqoonsado qaxooti Puntland dhexdeeda.

Sharciga Shatiyada Ganacsiga Puntland.

Gollaha xukuumadda Dowlada Puntland ayaa ka dooday sharciga dib u habaynta shatiyadda Ganacsiga ee la smaeeyay jine, 2000kii, isla markaan alagu sameeyay dib u haybayn March 2009-kii, ayuu hadana mar kale goluhu ku sameeyeen dib eegis si uu shatiga ganacsiga Puntland ula jaan-qaado shatiyada Caalamiga ah.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *