Muqdisho:Kalfadhiga koowaad ee Aqalka Sare ee Barlamaanka Somaliya oo Furmay-Sawiro/VIDEO

Published: January 5, 2017

Madaxweynaha Dowladda Federaalka SoomaaliyaXasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray Xarunta KMG ah ee Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya ay ku shaqayn doonaan, halkaasi oo si ramis ah uga furmay Kalfadhigi koowaad ee Aqalka Sare.

Xaruntan cusub eoo xubnaha Aqalka Sare ay si ku meel gaar ah ugu sii shaqeyn doonaan ayaa waxaa dhistay Dowlada Turkiga. Xaruntan ayaa loogu talogalay xarun waxbarasho, laakin bacdamaa uu Aqalka Sare u baahan yahay xarun rasmi ah ayuu si KMG ah ugu sii shaqeyn doonaa.

Madaxweynahe Xasan Sheekh oo uu wehliyey Safiirka Turkiga iyo Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare ayaa xariga ka jaray dhismaha xarunta KMG ah ee Aqalka Sare. Madaxweynaha ayaa soo kormeerray xafiisyada iyo qeybaha shirarka ee xaruntan cusub.

Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Raage, ayaa dowladda Turkiga ayuu si weyn ugu ammaanay waxbqadkooda Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dhowaanna ay si dhab ah u guda-geli doonaan howlaha looga fadhiyo.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgen, ayaa sheegay in mashruucan lagu dhisay xaruntaan uu socdey laba sanno, haddana ay ku howlan tahay dowladda Turkiga in Muqdisho ay ka fuliso mashaariic ka ballaaran kuwaan.

Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga dhismaha xaruntan weyn, waxa uuna tilmaamay in xarunta Aqalka Sare ay si KMG ah ugu shaqeyn doonaan. Madaxweynaha ayaa sheegay in xaruntan ay tahay mid waxbarasho oo mustaqbalka loo isticmaali doono.

Gabagabadii,Xarunta KMG ah ee aqalka odeyaasha Barlamaanka F. Soomaaliya, waxa ay taalla degmada Shibis ee gobolka Banaadir, iyadoo dhowaan la rajeynayo in ay ku qabsoommaan fadhiyada caadiga ah ee aqalka odeyaasha.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *