Sh/Hoose: Gaadiidleyda oo Shaqo joojiyey kadib Isbaarooyinka ciidanka

Published: January 5, 2017

Gaadiidleyda u kala goosha magaalooyinka gobalka Shabeelada Hoose ayaa sameeyey shaqo joojin kadib markii gobalkaasi ay kusoo bateen isbaarooyinka ay dhiganayaan askarta ka tirsan ciidamada dowlada Federaalka.

Waxaa hada gebi ahaan joogsaday gaadiidkii dadweynaha ee mari jiray wadada Afgooye illaa magaalada Wanlaweyn.

Wadadaasi ayaa la sheegayaa in todobaadyadii lasoo dhaafay ay kusoo kordhayeen isbaarooyinka ay ciidamada dowlada lacagta baada ah uga qaadaan gaadiidka iyo shacabka.

Arrintan oo ay in muddo ah cabasho ka keenayeen shacabka iyo gaadiidka wadadaasi isticmaala ayaan wax xal ah laga gaarin.

Sababta ugu weyn ee keenaysa tirada isbaarooyinka ah ee soo kordhaya ayaa la xariira mushahar la`aata ciidanka dowlada oo muddo ka badan 9 bilood aan wax mushahar ah qaadan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *