Turkey: 5 qof oo loo qabtay Weerarkii Sanadka Cusub – VIDEO

Published: January 5, 2017

Dowlada Turkiga oo weli baadi goobeysa ninkii geytay weerarkii lagu qaaday goob baar ah habeenkii sanadka cusub.

Dadka la qabtay ayaa la sheegayaa inay xiriir la lahaayeen ninka dilka geystay oo la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda Daacish. Dadka la qabtay waxaa ku jira xaaska ninkan oo weli isagu baxsad ah.

Booliska dalka Turkiga ayaa faafiyey sawirada ninka lagu tuhunsan yahay in uu ka danbeeyey weerarkaasi oo lagu dilay 39 qof oo ka dhacay Kilaab ku yaala Istanbul habeenkii sanadka cusub ee dhashey.

Baadigoobka ninkan ayaa si xawli ah weli uga socda gudaha dalka Turkiga. Booliska ayaa sheegay in uu yahay 28 jir u dhashey dalka Kirgizistan ee horey uga mid ahaan jirey Midoga Sofiyeytiga USSR.

Ninka la tuhunsan yahay ee sawiradiisa la faaafiyey ayaa horey ugu soo dagaalamey ururka IS gudaha dalka Siiriya, sida uu qorey Wargeyska H├╝rriyet. Sida laga soo xiganayo Waregyska H├╝rriyet ninka la tuhunsan yahay ayaa khabiir ku ah dagaalada magaalooyinka dhexdooda.

27 qof oo kamid ah dadka uu ku diley Kilaabka ayaa ahaa Ajaanib u dhashey dalalka Carabta.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *