Europe: Qabowga iyo barafka ku habsaday qeybo kamid ah qaarada Yurub – VIDEO

Published: January 6, 2017

Waqooyiga iyo bartamaha Qaarada Yurub ayaa maalmahan laga dareemayaa Qabow iyo isbedal dhanka cimilada ah.

Waqooyiga Yurub ayaa kamid ah goobaha sida weyn looga dareemayo qabowgan oo meelaha qaarkood gaaray -45 sida waqooyiga dalka Finland. Wuxuu sidoo kale baraf ka da`ay qaar kamid ah dalalka bartamaha iyo koonfurta Yurub sida Bosnia iyo Itaaliya.

Gobalada ku yaal bartamaha dalka Italy oo dhamaadkii sanadkii hore ka dhacay dhulgariir ayaa kamid ah deegaanada uu ka da`ay barafka.

Cimiladan sii xumaaneysa ee xiliga Jiilaalka (Winter ) ayaa la filayaa inay sii socoto todobaadyada soo socda.

Qabowgan ka jira Yurub ayaa kusoo beegamaya xili dalal Badan oo ku yaal Qaarada Afrika ay hayaan abaaro iyo biyo yaraan baaxadleh.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *