Garowe: Furitaanka Xarunta Farsamada Gacanta ee Asluubta Puntland – VIDEO

Published: January 6, 2017

Waxaa magaalada Garowe laga furay xarun cusub ee Farsamada Gacanta ee ciidamada Asluubta Puntland, goobtaasi oo ay ku shaqeeyaan maxaabiista aan danbiyada culus gelin ee xabsiyada ku jirta.

Mashruucan ayaa ah in fursado shaqo loo sameeyo maxaabiista, iyadoo xaruntan lagu sameeyo qalabka guryaha, xafiisyada iyo dib u hagaajinta gaadiidka.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng.Camey oo furitaanka xaruntan ka qeyb galay ayaa si weyn u bogaadiyey mashruucan, isagoo sheegay inay wax weyn tari doonto xaruntan ciidamada Asluubta iyo waliba maxaabiista.

Ciidamada Asluubta ayaa horey xarun noocaan ah uga furay magaalada Boosaaso ee gobalka Bari. Waxaana sidoo kale jirta Xarun labaad oo isla magaalada Garowe ka hirgeliyeen ciidanka Asluubta.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *