Maraykanka oo Listiga Argagaxisada ku daray Wiilka Osama Bin Ladin

Published: January 6, 2017

Xamsa Osma Bin Ladin ayey dowlada Maraykanka ku dartay listiga dadka kamid ah kooxaha argagaxisada oo ay baadi goobeyso.

Wiilkan uu dhalay hogaamiyihii hore ee kooxda Al Qacida ayaa muddooyinkii danbe kasoo muuqanayey filimaan ay shaacisay kooxda Al Qacida oo lagu dhiiri gelinayo la dagaalanka Maraykanka iyo xulafadiisa.

Wiilkan ayaa lagu arkay labo filim oo ay Al Qacida shaacisay sanadkii 2015 iyo 2016, aflaaamtaasi oo ahaa kuwo loogu talo galay taageerayaasha kooxdaasi oo loogu baaqayey inay weeraro la beegsadaan Maraykanka.

Maraykanka ayaa u arka Wiilkan uu dhalay Osama Bin Ladin mid loo diyaarinayo inuu mustaqbalka kamid noqdo hogaanka kooxdaasi.

Wiilkan Xamsa ayaa kamid ah 20ka caruur ee uu dhalay Osama bin Ladin, balse lagu sheego inuu ahaa wiilkii uu ugu jeclaa hogaamiyaha Al Qacida, waxaana wiilkan laga kaxeeyey aabihiis Osama xili uu da`a yaraa si loo soo tababaro.

Maraykanka ayaa bishii May ee sanadkii 2011 weerar ka dhacay gudaha dalka Pakistan ku dilay Osama Bin Ladin sida ay sheegeena meydkiisa u tuuray badda Carbeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *