Musharax Cali Xaaji Warsame oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey-Sawiro

Published: January 6, 2017

Musharax Cali Xaaji Warsame oo kamid ah Musharixiinta u taagan Xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Muqdisho ,waxaana soo dhoweeyntiisa ka qeyb galay xubno ka tirsan Labada gole Ee Baarlamaanka siyaasiin iyo bulshada qeybaheeda kale duwan..

Cali Xaaji Warsame oo la hadlay saxaafadda soo dhaweynta kadib ayaa u mahad celiyey dhammaan dadkii ku soo dhaweeyey magaalada, sial markaana ugu baaqay in xildhibaanada Soomaaliya in ay codka siiyaan si dalka uu hormar u gaarsiiyo.

Musharax Cali Xaaji ayaa Sheegay in uu u dhisi doono golayaasha dowlada si waafaqsan nidaamka iyo Sharciyada dalka si loo helo dowlad sal balaaran leh.

Ugu dambeeyntii Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in haddii uu ku guuleeysto jagada madaxtinimo ee dalka in uu il gooni ah ku fiirin doono dadka dhibanayaasha ah.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *