Ruushka oo ciidamo dib ugala baxaya Siiriya

Published: January 6, 2017

Dowlada Ruushka ayaa maanta shaacisay inay dib ulla baxeyso qeyb kamid ah ciidamadii ka joogay dalka Siiriya.

Ruushka ayaa lagu wadaa inay dib ulla noqoto Maraakiibta dagaalka ee dhawaan halkaasi u dirtay oo uu ku jiro midka Diyaaradaha xambaara.

Wasaarada Gaashaandhiga ayaa sheegtay in maraakiibtan ay labadii bilood ee lasoo dhaafay wadeen hawlgalo badan isla markaana ku guuleysteen.

Maraakiibta dagaalka ee Ruushka u diray Siiriya ayaa bishii Oktoober ka gudbay Kanaalka Ingiriiska iyagoo kusii jeeda Bariga Dhexe.

Inkastoo ciidamada hada la sheegay in Ruushka uu kala baxayo Siiriya ay gaarayaan kun askari ayaa hadana la filayaa in Siiriya ay kusii sugnaadaan ciidamo gaaraya 6 kun oo Ruush ah, kuwaasi oo gacan siinaya ciidamada Xukuumada Bashar Al Assad.

Go`aankan uu Ruushka dib ulla noqonayo qeyb kamid ah ciidamada ka jooga Siiriya ayaa lagu beegay xili ay socdaan dadaalo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in xal loogu helo daagaalka sokeeye ee ka socda Siiriya.

Xukuumada Ruushka oo xiligan culeys dhaqaale heysto ayaa sidoo kale la filayaa inay go`aankeeda ku xakameenayso dhaqaalaha uga baxaya dagaalka Siiriya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *