Sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay

Published: January 6, 2017

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Farey Cali, waxa uuna dilkiisa ka dhacay isgoyska dabka ee magaalada Mudisho.

Dilka sarkaalkan ayaa la sheegaya in ay ka dambeeyeen ilaalada mid kamid ah xildhibaanada aqalka sare.

Allaha u naxariistee Cumar Farey Cali ayaa la sheegay xiliga la dilayey in uu ka soo laabtay xeebta Liidoo oo uu carruurtiisa kula soo damaashadayey.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *