Taliyaha milaterigga wadanka Uganda oo booqday degmada Baraawe

Published: January 6, 2017

Jeneraal Katumba Wamala taliyaha milaterigga wadanka Uganda ayaa booqday degmada Baraawe ee xarunta gobolka Shabeelada hoose ee maamulka Koofur Galbeed-Soomaaliya.

Waxaa ku wehliyey Mr.Katumba Wamala booqashada uu ku tagey Baraawe taliyaha howl galka AMISOM Jeneraal Cismaan Nuur Subagle, saraakiisha Soomaliyeed iyo kuwa Uganda.

U jeedka booqashada yaliyaha ayaa lagu sheegay u kuur galidda xaaladda ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwa Uganda ee ka howl gala gobolkaasi.

Jeneraal Katumba Wamala ayaa ciidanka ku dhiiri geliyay kuna ammaanay sida ay nabadda iyo xasiloonida ugu soo celiyeen gudah Soomaaliya.

Taliyaha ciidamadda Uganda ayaa kulamo la qaatay qeybaha kale duwan ee bulshada iyo maamulka degmadda Baraawe.

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *