Buuq ka taagan Baarlamaanka Galmudug

Published: January 7, 2017

Baarlamaanka Galmudug ayaa la fasaxey bishii Oktoobar ee sanadkii hore kadib markii ay Mooshin ka keeneen Afhayeenka Baarlamaankaas, waxaana sanadkii la soo dhaafey ay yeesheen hal kalfadhi oo keliya iyada oo laga doonaayey in ay yeeshaan laba kalfadhi.

Fasaxa ayaa ka danbeeyey kadib markii ay soo baxdey xildhibaano doonaya in ay la xisaabtamaan shirguddoonka Baarlamaanka iyo weliba Xukuumadda Galmudug oo ay ku eedeeyeen mid fadhiid ah.

Xildhibaan Duraan Cali Jaamac oo la hadley Radio Risaala ayaa sheegay in maanta ay ahayd in si rasmi ah in uu u frumo kalfadhigii afaraad ee Baarlamaanka Galmudug, taas oo laga hor istaageyl.

Duraan ayaa sheegay in Xildhibaanada ay kala eryeen askar ka amarqaadatada Madaxtooyada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal ayaa isla maanta soo saarey qoraal kale oo fasaxa Xildhibaanada ku sii dheereynayo waxaana uu sheegay in uu fasaxay 45 cisho, waxaana Xildhibaanadu ku sheegeen in ay tahay mid sharciga Galmudug ka hor imaaneysa.

Xildhibaan Duraan ayaa sheegay in Baarlamaanku aanu guddoomiye lahayn oo mooshin horeba lagu ridey ninka soo saarey fasaxa dheer ee kale Cali Gacal, waxaana uu hoosta ka xariiqey in ay kalfadhogooda ku qabsan doonaan meel kasta oo amni ah oo Cadaado kamid ah.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *