Ilowsha dhawaa ma umul baa, Itoobiyana Igaarsanaa [Maqaal]

Published: January 7, 2017
Taangi Itoobiya leedahay oo taagan Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho 2007

Wadaniyaddu waxay ku dhisan tahay in ummadi ilaashato waxyaabaheeda muqadasaadka u ah oo ay ugu horayso dhulkeedu, waxaana hubaal ah in qaran kastoo jiraa uu leeyahay dawlado cadow u ah jiritaankiisa. Dowladda Itoobiya oo xuduud dheer la leh Soomaaliya waxay dhibaatoyinka Soomaaliya kala dhexeeyey ay fursad u heshay markii dadka Soomaalidu isu laayeen qabiil qabiil, dumiyeenna dawladnimadoodii.

Arrimahaas waxaa ka dhashay in Itoobiya siyaasad ahaan iyo ciidanba si toos ah ugu lug yeelato fara gelintay ku haysay shacabka Soomaaliyeed waqtiga burburka.

Iyadoo taas ka duulaysa ayey Itoobiya waxay maanta markale dabada ka riixaysaa Xasan Sheikh Maxamuud inay ku taageerto siduu kursiga ugu sii fadhiyi lahaa. Akhristow Itoobiya taageerada ay Xasan siinayso kama ahan dawlad Soomaaliyeed ha dhisanto ee waxay ka tahay “Yaa wadankaan burbursan ee bohosha ku jira halkiisa ku sii hayn kara ama meel ka xun sii geyn kara” waana taas siyaasadda ay ka urinayso Xasan, iyadoo aqoonsatay inuu yahay qof aan waxba ka tarayn dhismaha qaran soomaaliyeed taas bedelkeedna tiirarka u sii siibaya wixii astaan uu lahaa hadayba wax ka hareen.

Nin ku dilay har kuuma jiido

Qof Soomaaliyeed oo nool maanta looma sheegayo Itoobiya iyo dhibkeeda, carruurta aan qaan gaarin ayaa weli waxaa maskaxdooda ka sii qiiqaya xasuuqii ay ka gaystay Muqdisho xiligii ay dalka ku soo duushay, oo ilmihii ku dhashay geedka hoostiisu uu 10 sano jir hadda yahay.

Gabar Soomaaliyeed oo Muqdisho ku nool ayaa igu tiri: Waxaan joognay xaafadeena oo ku taal Baar Ubax, waxaa maalintaas lagu jiiday gaari maydka Askari Itoobiyaan ah, habeenkeedii ayey anagoo xaafadeena ku cashaynayna oo aan nahay qoyskeenii oo dhan, waxaan cashada ka dib galay musqul, waxaan maqlay xabado si baas loo ridayo iyo oohin iyo qaylo dad la dilayo, waan baqay musqushaan ku sii nagaaday, mudo kadib ayaan ka soo baxay musqusha, waxaan arkay suxuuntii aan ku cashaynay oo dhiig ka buuxo, walaashay, laba wiil oo walaalahay ay, habar yartay iyo gabar dariskeena ah oo 30 daqiiqo ka hor aan farxad ku wada cashaynay oo wada mayd ah, sadex maalmood ayaan ku jiray miyir beel. Qofkasta oo Muqdisho ku noolaa wakhtigaas wuxuu xasuustaa mudo laba maalin gudahood ah waxaa Itoobiyaan xasuuqeen dad kor u dhaafay 400 qof ayagoo u aar gudaya askari maydkiisa la jiid jiiday”

Ninkaad kabo ka tolanayso waxaa la fiiriyaa kabihiisa

Wadan markuu ku leeyahay waan ku taageeraynaa, waxaa la eegaa wuxuu maskax, muruq, xirfad ama karti kale kugu kordhiyey, lama hayo hal xarun oo adeeg bulsho ah oo Itoobiya meel ay joogto ka dhistay, iska dhaaf inay dhistee wixii jiray ayey qaarna gubtay qaarna raratay, waxaa taas ka daran 20 sano iyo in ka badan ayey dadka Soomaaliyeed hub isugu dhiibaysay, iyadoo maalin kasta kan ugu maanka gaaban hoosta gashata, ma ahan inay kaas ka jeceshahay kuwa kale ee ujeedkeedu wuxuu yahay kuwa kale si ay iyana kuu soo hoos fariistaan.

Marka Itoobiya waxay soomaali tari karto gurigeeda cidi kama gaajo iyo silic badna, intaas ayaana kaa filan markaad aragto kumanaan Itoobiyaan ah oo har iyo habeen gudaha soomaaliya dhex lugaynaya, si ay nolol dhaanta tan wadankoodii taal u helaan.

Soomaaliya iyo khilaaf Imaaraadka iyoItoobiya

Muranka Xasan Sheekh iyo Imaraadku wuxu salka ku hayaa sida la sheego heshiis dawladda imaraadka carabtu ku doonaysay inay kula wareegto maamulka dekedda Berbera.

Heshiiska waxaa ku wada jiray, Itoobiya, Imaradka, Dawladda Somaliya iyo maamulka Somaliland, doonista Itoobiyaheshiiskaan ka lahayd wuxuu ahaa in Imaradku saldhigyadiisa ku yaal Casa oo Eretria ah uu ka guuro marka la sixiixdo heshiiska Berbera. Markii la wada gaaray heshiiska Imaradka way ku adkaatay inuu ka guuro saldhiggi Casab, oo hadda xudun u ah hawl galkiisa Yemen. Itoobiya talabadaan umay cuntamin, waxayna ku noqotay Xasan Sheekh kana codsatay inuu baabi`iyo heshiiska dekedda Berbera wuu yeelay, laakiin Somaliland ayaa u aragtay dhibaato in heshiis ay la gashay dawlad weyn dadkeeda iyo dhaqaalaheeda dan u ah ay haddana si fudud uga baxdo.

Waxaa marka la sheegaa in khilaafka imaraadka iyo Xasan Sheekh halkaas salka ku hayo, Xasan Sheekhna taas bedelkeed wuxuu bilaabay inuu Imaaraadka ku sifeeyo cadow Soomaaliyeed “Tolow ma Xasan baa keligiis Soomaali ah?”

Xasan Sheekh maanta wuxuu gadayaa in Itoobiyatahay walaal la jecel yahay imaaraadkuna cadowga koowaad, tolow ma dadka Itoobiyaankaayuu Xasan Sheekh wax u sheegayaa oo uu donayaa inay dhegeystaan.

Imaaraadka iyo Soomaaliya

Marka laga soo tago xiriirka dhow ee Soomaalida iyo Imaaraadka ka dhexeeya oo qarniyaal badan ahaa mid ganacsi oo ay ka mid yihiin u iib geynta waxyaalaha ka soo baxa wadankeena, Imaraadku wuxuu ka fuliyey Soomaaliya sanadahaan mashaariic balaaran oo maalaayiin dollar ku baxday, si isku mid ah ayuuna uga fuliyey dhamaan qaybaha wadanka laga bilaabo Jubba Land ilaa laga gaaro Soomaaliland. Aan is weydiinee Xasan Sheekh Itoobiyaanuu ku cel celinayo waa saaxiibkeen bal ha keeno wax aan hub iyo rasaas ka ahayn oo ay bixiyeen, dadka gobollada shabaabku ka taliyo joogaa qaarkood waxay sheegayaan inay Alshabaab hubeeyaan.

Meeqa mashruuca ayeey Emaretku ka fuliyeen Soomaaliya, mudadii dhowrka sano ahayd ee ugu danbaysay, xoolihii iyo Ganacsigii Soomaaliya xagee yaala ma Addis Aabab mise Dubai, Ilowsha dhawa ma umulbaa Ehtiopia igaarsanaa

Xasan Sheekh wuxuu shalay ahaa kuwii lahaa muqaawamo ayaan nahay oo Itoobiyaandalka ka saaraynaa, waxaan maqli jirey “Ma umul baa ilowshiyo dhowaa”.

Akhristow, su`aasha meesha taal waxay tahay, Xasan Sheekh sidista Itoobiya sidato, ma ku soo celinaysaa kursiga uu afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyey, oo ay hubaal tahay in bulshadii Soomaaliyeed meel kasta ka nacday oo hiifayso?

Qore: Muxiyadin Colow

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *