Qaraxyo ka dhacay goobo ganacsi oo ku yaala magaalada Muqdisho

Published: January 7, 2017

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya wararka ka imanaya ayaa sheegaya in laba qarax oo xoogan ay ka dhaceen goob maqaayad ah oo u dhow Tarabuunka ee degmada Hodan.

Qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Inta la ogyahay seddex qof aaya ku dhimatay ,afarkalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyadaasi, iaydoo dadka dhintay la sheegayo in ay ku jiraan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

Qaraxyadaasi ayaa ka dhashay bambooyin kuwa gacanta laga tuuro, halka warar kalena ay sheegayaan in ay ka dhasheen waxyaabaha qarxa oo halkaasi la dhigay .

Rasaas xoogan ayaa la maqlayey qaraxyada kadib, iyadoo ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Goobta ganacsi ee la beegsaday ayaa la sheegay inay fariiistaan ciidamada dawladda Soomaaliya. R

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *