Qaxooti qabow dartiis ugu dhintey dalka Bulgaariya

Published: January 7, 2017

Laba nin oo qaxooti ah kana yimid dalka Ciraaq ayaa meydkooda laga helay koonfurta dalka Bulgaariya meel ku dhaw xadka Turkiga kadib markii duufaan baraf ah ay ku habsatey.

Dadka reer tuulooyinka ah ee meydka labada nin helay ayaa Booliska ku wargeleiyey maalintii shalay ee Jimacada, labada nin ayaa da’dooda lagu kala sheegay 28 jir iyo 34 jir.

Maalintii Isniinta ayaa gaabdh Soomaaliyeed oo qabowgu ku diley laga helay meel 30km u jirta halka dhacdadan danbe ay ka dhacdey, gabadha ayaan weli la aqoonsan magaceeda waxaase la xaqiijiyey in ay ahayd Soomaali.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *