Sacuudiga oo dhaqaatiir xoolaha baara u soo diraya dalka Soomaaliya

Published: January 7, 2017

Sacuudi ayaa shaaciyey in Soomaaliya u diri doonto dhaqaatiir qaabilsan xoolaha si loo baaro xoolaha laga dhoofiyo dalka Soomaaliya ee la geeyo Sacuudiga.

Dhaqaatiirta loo soo dirayo Soomaaliya ayaa hubin doona caafimaadka xoolaha Soomaaliyeed ee loo dhoofiyo

Sacuudiga sida laga soo xigtay qoraal ak soo baxay wasaarada xanaanada xoolaha iyo deegaanka Sacuudi Carabiya

Magaalooyinka xeebta ah ee Berbera iyo Bosaso oo ay ku yaalaan maxjarada ugu badan ee laga dhoofiyo xoolaha loo iib geeyo dalka Sacuudiga ayey tagi doonan dhaqaatiirta.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Sacuudiga ayaa xoolo gaaraya toban kun oo neef ka iibsada caalamka, waxaana 5 kun oo kamid ah uu ka iibsadaa dalka Soomaaliya.

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *