USA: Weerarkii ka dhacay Airport kuyaal Florida – VIDEO

Published: January 7, 2017

Booliiska Maraykanka ayaa baaraya weerarii uu shalay nin hubeysay ku dilay shan qof Madaarka FT.Lauderdale International Airport ee ku yaal gobalka Florida. Weerarkan ayey sidoo kale ku dhaawacmeen 8 qof oo kale.

Ninka weerarka geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Esteban Santiago, kuna dhashay gobalka New Jersey, ninkan oo da`adiisu tahay 26 sano jir ayaa kamid ahaan jiray ciidamada Militariga Maraykanka.

Wuxuuna kamid ahaa askartii kasoo dagaalamay dalka Ciraaq, waxaase shaqada laga joojiyey 4 bilood kahor.

Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in ninkan uu qabay xanuunka Dhimirka ama madaxa laga hayey. Bishii November ayuu mar uu ninkan tagay Xafiis ay leedahay hay`ada danbi baarista FBI-da u sheegay in Sirdoonka Maraykana ku khasbeyso inuu daawado filimaanta Daacish / ISIS, xiligaasi ayaa lagu sheegay ninkan inuu waalan yahay.

Eedaysanaha ayaa diyaarad kasoo raacay gobalka Alaska, isla markaana la sheegay inuu bistoolada uu weerarka ku geystay ku sitay boorasadii uu soo saaray diyaaradiis uu soo raacay. Dalka Maraykanka ayaa dadka hubka loo ogol yahay uu sharciga u fasaxayaa inay hubkooda ku qaadan karaan boorasooyinka diyaarada lagu raro hadii ay rasaasta ka saaraan.

Wuxuu bistooladiisa kala soo baxay boorasada markii ay diyaarada gaartay Florida, wuxuuna mushqusha Madaarka ku dhexyaal kusoo cabeystay bistooladiisa isagoo rasaasta ku bilaabay dadkii ku sugnaa gudaha Airportka qeybta rakaabka boorasooyinka ka qaataan.

Illaa iyo hada macada sababta ka danbeysa weerarkan oo weli baaritaan lagu wado, gacan ku dhiiglaha ayaa isagu markii ay rasaasta ka dhamaatay si nabad ah isugu dhiibay booliiska isagoo aan wax dhaawac ah soo gaarin.

Wadanka Maraykanka ayey ku sugan yihiin Kumanaan kun oo ah askartii kasoo dagaalantay dalalka Ciraaq iyo Afghaanistaan oo uu kusoo dhacay cuduro kala duwan oo u badan dhanka Dhimirka, kuwaasi oo inta badan aan wax daawo ah ka helin dowlada.

Warbixin sanadkii hore lasoo saaray ayaa lagu sheegay in ka badan 2000 qof oo kamid ah askartii hore ay sanad walba gacantooda isku dilaan dalkaasi Maraykanka.


Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *