Afar xubnood oo ku soo baxday doorashada xildhibaanada aqalka sare ee gobalada Waqooyi

Published: January 8, 2017
Muna Cumar Xasan waxay ka tirsaneyd Telefishanka SNTV waxaana loo doortey Xildhibaan Aqalka sare ee Soomaaliya

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa dib uga bilowday doorashada xubnaha aqalka sare ee gobalada Waqooyi, iyadoo la doortay 4 xildhibaan,

Waxaa ka mid ah xubnaha ilaa iyo hadd la doortay .

  • Xildhibaan Muxudiin Sheekh Jaamac.
  • Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi.
  • Xildhibaan Muna Cumar Xasan. (Weriye SNTV)
  • Xildhibaan Mustaf Maxamad Qodax (Weriye ka tirsanaan jirey Telefishanka Somaliland)

Laba xubnood oo kamid ah kuwa maanta la doortey ayaa ahaa weriyaal, Muna Cumar Xasan ayaa muddo dheer ka tirsaneyd Warbaahinta Qaranka ee SNTV/Radio Muqdisho, halka Mustaf Maxamed Qodax uu ahaa agaasime ku-xigeenka Telefishanka Somaliland.

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *