AMISOM oo Dad Rayid ah iyo 25-Neef oo Geel ah ay ku dishay Shabeellaha Hoose.

Published: January 8, 2017

 

ciidamadda Amisom ee ka howlgala Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa qirtay in ciidamadoodu ay 25 neef oo geel ah, afar kalena ay ku dhaawaceen xili uu socday dagaal ay ku jireen kooxda Al-shabaab

Afhayeenka AMISOM oo Joe Kibet wareysi siiyay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa sheegay in Al-Shabaab weerar Qaraxyo ah ay ku soo qaadeen AMISOM xili ay marayeen deegaan lagu magacaabo Wareer-maleh oo u dhow magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

“Inta uu socday dagaalka waxaa leesku adeegsanayay Hub Culus, Xooluhuna waxay daaqayeen halka uu dagaalku ka socday, sidoo kalana waxaa AMISOM ka dhaawacmay labo Askari.” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka AMISOM.

Afhayeenka ayaa la waydiiyay inuu jiro khasaaro soo gaaray dadka rayid ah ee ka akdhowaa halka uu dagaalka ka dhacay, wuxuuna sheegay inay suurta gal tahay in dad rayid ah waxyeelo ka soo gaartay maadaama dagaalku uu socday mudo.

Afhayeenka AMISOM wuxuu sheegay in ay haatan socdo kulan ay la leeyihiin maamulka deegaanka iyo sidoo kale dadkii xoolaha lahaa ayna kala xoojoonayaan wixii dhacay.

Gabagabadii, Mas`uuliyiin ka tirsan maamulka K/galbeed ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay ciidamada AMISOM in ay ku dileen Labo dhalinyaro oo walaalo ah dulleedka degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose, kuwasoo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Xassan oo 17 sano jir ah aha Cabdi Xassan oo 15 sano jir ah kuwaa oo ka soo jeeday hal qoys.

Horseed Media 2016

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *