Doorashada Aqalka Sare ee Goboladda Waqooyi oo Muqdisho ka Bilaabanaysa.

Published: January 8, 2017

Magaaladda muqdisho,waxaa maanta lagu wadaa inay ka bilaabato doorashadda xubnaha aqalka Sare ku matalaya goboladda waqooyi ee somaliland.

Ilaa lix iyo toban murashax ayaa ku tartamaya Lix kursi oo ka mid ah kuraasta Goballada Waqooyi ee aqalka sare, sida ay shaaciyeen guddiga Doorashayooyinka.

Kursiga kowaad waxaa ku tartamaya Maxamuud Jirde XuseenCabdi Xaashi cabdulaahi iyo Axmed Mahad Cumar.

Kursiga Labaad, waxaa ku tartamaya Muxyadiin Sheekh CaliCabdi Yuusuf Xasan iyo Maxamed Sheekh Ibraahim

Kursiga Saddexaad waxaa isku soo sharaxay Mustafe Maxamed Godax iyo Maxamed Maxamuud Cabdi

Kursiga Afraad, waxaa ku tartamaya afar murashax oo kala Ibraahim Aaden Maxamed,Cabdikariin Maxamed Xasan,Jaamac Axmed Rooble iyoAxmed Ciise Cawaale

Kursiga Shanaad oo dumarka u gaar ah waxaa u sharaxan Muno Cumar Xasan iyo Deeqo Maxamed Saalax

Kursiga Lixaad ee maanta lagu tartamayo waxaa u sharaxan Cabdirisaaq Axmed Cali iyo Cabdixakiin Axmed Nuur.

Gabagabadii, Goboladda waqooyi ee Somaliland ayaa la qoondeeyay 11 kursi oo aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka, waxaana u codyan doono ergay si gaar ah loo soo xulay oo ka mid ah bulshadda goboladda waqooyi ee ku nool muqdisho.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *