Falastiin: Nin gaariga jiirsiiyey Askar Isra`iiliyiin ah magaalada Qudus – VIDEO

Published: January 8, 2017

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhimatay weerar maanta ka dhacay magaalada Qudus ee dhulka la heysto ee Falastiin, weerarkan waxaa ku dhaawacmay 13 qof oo kale.

Nin reer Falastiin ah oo darawel ka ahaa gaari nooca xamuulka ah ayaa si bareer ah u jiirsiiyey raxan askarta Isra`iil ah oo ku sugnaa bartamaha magaalada Qudus, askarta dhimatay ayaa sadex kamid ah yihiin haween.

Ciidamada Isra`iil ayaa toogtay darawelkii gaariga waday, waxaana gebi ahaan la xiray xaafadaha ay degen yihiin Falastiiniyiinta ee bariga magaalada Qudus halkaasi oo uu kasoo jeeday ninka maanta weerarka geystay.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2016 ayey sare u kaceen weerarada ay geysanayaan dadka reer Falastiin ee lala beegsanayo askarta Isra`iil iyo Yuhuud xooga ku degen dhulkaasi. Inta badan weeraradaasi ayaa loo adeegsanayey mindiyo iyo gaadiid.

Weeraradaasi oo ah kuwo ay iskood u fuliyeen shaqsiyaad ayaa cabsi weyn ku abuuray yuhuuda heysata dhulkaasi.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *