Madaxweynaha Galmudug oo Mar Kale Hakiyay Howlihii Maamulkiisa.

Published: January 8, 2017

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xusee Guuleed ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku hakiyay dhammaan howlihii hay`addaha dowladda ee Maamulkiisa, ka dib markii maalintii shalay ay askar ka amar qaadatay madaxtooyada ay kala eryeen xildhibaanadii barlamaanka oo u furmi lahaa kalfadhigii labaad.

Madaxweynaha ayaa wareegtadiisa wuxuu ku amaray in in dhammaan hay`adaha dowladda ay u wada guntadaan sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu ku habsadeen iyo in sidoo kale laga qeybqaato sidii loo dhameystiri lahaa doorashooyinka Qaran ee ka socda dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in go`aankiisa uu ku saleeyeen war-murtiyeedkii shalay uu soo saareen guddoonka barlamaanku ee dib loogu dhigay kalfadhigii barlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal ayaa shalay soo saarey qoraal kale oo fasaxa Xildhibaanada ku sii dheereynayo waxaana uu sheegay in uu fasaxay 45 cisho, hase yeeshee Xildhibaanada ayaa ku tilmaamay go`aankaas mid sharciga Galmudug ka hor imaaneysa,waxayna sheegeen in kalfadhigooda ay ku qabsan doonaan meel kale oo amni ah oo ku yaal Magaaladda Cadaado.

Gabagabadii, Bishii tobnaad ee Sanadkii hore ayaa wareegto uu soo saary madaxweynaha galmudug wuxuu ku hakiyay dhammaan howlihii maamulkiisa, isagoo xiligaas go`aankiisa ku sababeeyay dardargalinta doorashooyinkii labada aqal ee Barlamaanka federaalka.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *