Muqdisho:Barlamaanka oo soo Gabagabeeyay Dhageysiga khudbadaha 10 Murashax ee Guddoonka Barlamaanka.

Published: January 8, 2017

Xildhibaanadda aqalka sare ee Barlamaanka fedederaalka ayaa dhagaystay khudbadaha 10Musharax oo u tartamaya Guddoomiyaha iyo gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Soomaaliya kuwasoo kudbado ay kaga hadlayaan taariikh nololeedkooda iyo waxqabadkooda ay ka hor jeediyeen xildhibaanadda.

Xildhibaan Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Geeseey) , xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig iyo Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtaroo ka mid ah murashixiinta oo ugu horrayn ka warbixiyay waxyaabaha u qorshaysan, iyagooo tilmaamay aqoonta ay u leeyihiin gollaha shacabka iyo sida ay u hoggaamin doonaan haddii la doorto, waxayna ballan qaadeen hadii xilka loo doorto inay si daacad ah ugu adeegi doono shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ah guddoomiyihii hore ee baarlamaanka oo khudbad u jeediyay xildhibaanada ayaa ka codsanayo xildhibaanada inay u tixgaliyaan aqoonta iyo khibrada uu u leeyahay maamulka baarlamaanka maadaama uu soo maamulayay afartii sano ee la soo dhaafay.

Dhinac kale, Waxaa sidoo kale khubadahoodii murashaxnimadii ka hor jeediyay barlamaanka lix xildhibaan oo u tartamaya guddoomiye K/xigeenka barlamaanka Soomaaliya, waxayna soo jeediyeen taarikh nololeedkooda, khibaradooda iyo waayo-aragnimadood, iyagoo xildhibaanadda u faahfaahiyay sababta ay tahay in loogu doorto guddoomiye k/xigeenka gollaha Shacabka.

Gabagabadii, Guddiga kumeelgaar ah ee doorashadda guddoonka barlamaanka ayaa sheegay in maalinta beri ah la dhagaysan doon0 khudbadaha 11 murashax oo u tartamaya Guddoomiye K/xigeenka Labaad ee barlamaanka, iyadoo lagu wado in 11 bishan janaury 2017ka la dooran doonoo guddoonka barlamaanka federaalka Soomaaliya.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *