Muqdisho:NISA Oo Gacanta ku dhigtay Mooto Ay Saaranyihiin Walxaha Qarxa

Published: January 8, 2017

Sida ay faafisay Wakaaladda Wararka ee Sonna, Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISAA ayaa degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose ku qabtay Mooto ay saarnaayeen walxaha Qarxa iyo ninkii waday.

Saraakiisha NISSA ayaa sheegay in mootada oo ahayd nooca loo yaqaano Dhugdhugleyda la soo saaray jaakadaha waxyaabaha qarax lagu soo xiray iyo walxo kale oo qarxa, waxayna sheegeen in gacanta ku hayaan mootadii iyoNinkii waday, waxayna sidoo kale ay sheegeen inay baaritaano socdaan.

Saraakiisha ayaa Faah-faahin intaasi ka badan ka bixin halka ay ka timid mootada iyo meesha ay ku socotay, hase yeeshee waxaa degaanka gobolka shabeelada hoose aad ugu firfircoon kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirto ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom, iyagoo ku dhufoo ka dhaqdhaqaa ah.

Gabagabadii, Magaaladda Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, waxaa hadda lagu isku diyaarinayaa qabashada doorashadda guddoonka Barlamaanka iyo mida madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo maantana uu barlamaanku dhagaystay khudbadaha 10 murashax oo u tartamaya guddoonka Barlamaanka Soomaaliya.

Horseed media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *