Wacyi galin ku aadan ilaalinta deegaanka oo dhalinyarada qardho loo qabtay .(Sawiro)

Published: January 8, 2017

Tababarkan loo qabatay dhalinyarada magaalada Qardho ee xarunta Gobalak karkaar ayaa loga hadlayey sidii la tashiyo looga saman lahaa ilaalinta deegaanka loona saman lahaa wacyi galin la xiriirata ko horataga falalka Guracan ee deegaanka loo gaysto.

Waxana kasoo qaybgalay Ururada dhalinyarada ee Gobolka iyo degmada Masuliyiin ka socota Wasaradda Deegaanka iyo Hay,dda Care, iyo marti sharaf kale.

Tababarkan ayaa waxa sida oo kale lagu soo bandhigay wax Qabadka wasaradda deegaanka Puntland ay ka hirgalisaya deegaano kala duwan oo ka tirasan Puntland ,sida Waro biyoodyo, ka hortaga boholaha samasma, xili roobadka , Furida seera yaasha ,iyo ilaalinta deegaanka.

Maxamed Cabdulaahi Axmed oo ah Agaasime waxeed ka tirasan wasaradda deegaanka Puntland iyo Axmed Maxamed Cali oo ka tirasan Hay,dda Care oo ugu horan ka hadalay Goobta ayaa sheegay mihiimda ay tababarkan ay ka leeyihiin in ay tahay sidii dhalinyardu ugu baraarug sanan lahad ilaalinta deegaanka iyo wacayi galin la xiriirta falalka guracan ee loo gaysto deegaanka .

Maxamed Muuse Maxamed isku duwaha wasaradda deegaanka ee Gobalka karkaar oo tababarka soo xiray ayaa ka soo qab gala yaasha kula dar daar may in ay uga faa ideeyan bulshadii ay ka yimadeen waxa ay halkan ka barteen loona baahan yahay in ay bulshad xasuusiyaan mihiimada uu leyahay deegaanku.

Qaar kamid ah haweenkii kasoo qaybgalay ayaa dhankooda xusay inay diyaar u yihiin ilaalinta deegaanka marwalbana ay garab taaganyihiin Wasaarada deegaanka iyo Hay`adaha kala shaqeeya ilaalinta deegaanka oo ay Care international ay kamid tahay.

Wasaradda deegaanka Puntland iyo Hay,dda Care ayaa inta badan ku hawalan soo celinta deegaan loo gaysto xaalufka waxana ay tababaro kala duwan oo ay ku wacyi galinayaan bulshad ku qabtaan deegaanada Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *