Wasaaradda Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland oo dhisme cusub ka furatay magaalada Bosaso-Sawiro

Published: January 8, 2017

Munaasibadan oo si wanaagsan loo qaban qaabiyey ayaa aheyd mid si rasmi ah xarigga looga jarayey dhisme cusub oo wasaaradda deegaanka , dalxiiska iyo duurjoogta Puntland ku yeelanayso magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Wxaa munaasabadda xarig jarka ka qeyb-galay xubno katirsan golaha xukuumadda Puntland , maamulka gobalka Bari , kan degmada Bosaso , haween iyo mas’uuliyiin kale .

Wasiirka Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland Cali Cabdullaahi Warsame ayaa furitaankii munaasibadda mahadcelin balaaran u jeediyey ka qeyb-galayaasha, waxaana uu hirgelinta dhismahan cusub ku tilmaamay mid taariikhi ah oo wakhti badan uu ku bixiyey sidii loo hirgelin lahaa .

Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Bari Axmed Cali Cabdullaahi , Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xassan Xaaji Saciid , Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland Maxamuud Maxamed Cali Gabax iyo mas’uuliyiin kale oo dhankooda Hadley ayaa bogaadiyey dhismahan cusub ee wasaaraddu ku yeelatay magaalada Bosaso .

Dhismahan cusub oo Bosaso ay ku yeelatay Wasaaradda Deegaanka , Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland ayaa waxaa dhistay shirkadda Dhismaha Guryaha iyo Wadooyinka Puntland ee IPECO , waxaana maalgeliyey Bankiga adduunka halka ay hirgelisay wasaaraddu .

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *