Xasan Cadde: Dhismaha Garoonka Garoowe Dhowaan ayaa La soo Gabagabaynayaa.

Published: January 8, 2017

Wasiirka duulista hawada iyo Garoomadda Puntland Xasan Xaaji Siciid (Xasan Cadde )ayaa ka hadlay halka uu marayo dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe iyo waxyaabihii lagu soo kordhiyay garoonka Bosaso sanad ka dib markii la furay.

Wasiirka oo waraysi siiyay Idaacadda Daljir, wuxuu sheegay in garoonka diyaaradaha Bosaso uu haatan la tayo iyo qalaba yahay garoomadda caalami ah ee adduunka, oo dhammaan qalabkii uu u baahnaa loo soo dhamaystiray

“Garoonka waxaa lagu soo kordhiyay qalabka amniga ee kaamariyoonka, iyo qalabka wax lagu baaro iyo tababaro loo sameeyay dadka ku shaqeeya, waxyaabaha kale ee lagu soo kordhiyay garoonka waxaa ka mid aha haamihii shidaalka diyaaradaha , qalabka adeega garoonka ee wax lagu soo dejiyo ama lagu saaro, waxaan kaloo tababaro siinayay shaqaalaha garoonka” ayuu yiri Wasiirku

Wasiirku wuxuu faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo garoonka diyaaradaha Garoowe, oo uu sheegay inuu haatan marayo meel gabagabo ah, dhawaana uu rajaynayo in si rasmi ah loo furo

“lakabkii u dambeeyay oo daamurkii ah ayaa u dhiman, waana la dhamaystirayaa insha allah sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri Wasiirku.

Dhinaca kale, Wasiirku wuxuu sheegay in shirkado diyaaradeed oo kala duwan ay garoonka Bosaso ka bilaabeen duulimiyaado toos ah oo dalalka imaraadka, Cumaan, Jabuuti iyo goboladda kala duwan ee dalka gudihiisa.

Gabagabadii, hal sanno ayaa ka soo wareegtay markii xariga laga jaray garoonkii u horreeyay oo caalami ah laga hirgaliyo Puntland, iyadoo ay dhawaana ay bilaabatay duulimaadyo tooska ah ee Dubai iyo Bosaso, taasi oo dad badan oo ganacsato iyo qurbojoog ahi ay ka faa`iidaysteen.

Horseed Media 207

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *