Dhegaysiga khudbadaha musharaxiinta guddoonka baarlamaanka oo la soo gaba-gabeeyey

Published: January 9, 2017

Xildhibaanada baarlamaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo geba-gabeeyey dhageysiga khudbadaha murashaxiinta u tartamaya guddoomiyaha golaha shacabka iyo murashaxiinta guddoomiye ku-xigeenka koowaad.

Ilaa 10 musharax ayaa isu soo sharaxday tartanka guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka dowladda Soomaaliya, iyadoo kulankaasi looga dhageystay khudbadaha.

Kulanka ayaa mar kale baarlamaanka waxa uu ku dhageystay khudbadaha murashixiinta u taagan xilka gudoomiye ku xigeenka labaad.

Dhammaan musharaxiinta u tartamaya gudoomiyaha golaha shacabka ayaa intooda badan balan qaaday in ay wax ka qaban doonaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin musuq maasuqa, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan xoojinta ammaanka.

Xildhibaanada baarlamaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay doortaan guddoomiyaha baarlamaanka iyo sidoo kale ku xigeenadiisa bishan Janaayo gudaheeda

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *