Horayaalka Kubada Cagta ee Puntland: Bosaaso FC vs Comsed (2 – 1) Sawiro/VIDEO

Published: January 9, 2017

Horyaalka kubada Cagta oo Axadii shalay ka bilowday magaalada Garowe ayaa waxaa markii ugu horeysay ku loolamaya kooxaha Horyaalka kowaad ee kasoo baxay gobalada Puntland, kuwaasi oo sadexda bilood ee soo socda kuwada ciyaari doona magaalooyinka Garowe, Bosaso, Gaalkacyo iyo Qardho.

Ciyaartii Axadii shalay lagu furay Tartanka ayey wada ciyaareen kooxda BARI FC iyo Garowe City oo ay guusha ku raacday 1 – 0 kooxda Bari FC.

Maanta oo Isniin ah ayey ciyaaro adag dhaceen waxaana ugu horeysay ciyaar adag oo dhexmartay Kooxda Bosaaso FC iyo Comsed oo ka timid Gaalkacyo, waxayna guusha ku raacday Kooxda Bosaaso FC 2 – 1, waxaa xusid mudan in goolka ay ku horeysay kooxda Comsed.

Kooxda Qardho FC iyo Kooxda Hombobaro ee Gaalkacyo ayaa waxaa 1 – 0 ku guuleystay kooxda Hombobaro ee ka timid gobalka Gaalkacyo.
Homboboro FC Qardho FC



Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *