Jaaamacadda Muqdisho oo qabatay aqoon iswaydaarsi ku saabsan sidii ardayda jaamacadda u heli lahaayeen tababaro -Sawiro

Published: January 9, 2017

Jaamacadda Muqdishu faraceeda Bosaso ayaa qabatay barnaamij aqoon iswaydaarsi ku saabsan sidii ardayda Jaamacadda ay u heli lahaayeen tababaro iyo aqoon kororsi, aqoon iswaydaarsigaan ayaa iska kaashaday Jaamacadda Muqdishu iyo hay`adda Shaqadoon.

Waxaa ka soo qayb galay rugta ganacsiga ee Puntland iyo shirkadaha kala duwan ee magaaladda Bosaso.

Ugu horayn Maxamed Cabdulqaadir Maxamed madaxa akaademiydda Jaamacadda Muqdishu ee Bosaso ayaa daah-furay aqoon iswaydaarsiga isaga oo xusay ahmiyadda ay leedahay in ardayda jaamacaddu helaan tababaro iyo aqoon kororsi si cilmigii ay barteen ay udabaqaan, mas’uulka ayaa shirkadaha kala duwan ka codsaday in ay ardayda Jaamacadda siiyan tababaro shikaduhuna ka faa`iidaystaan aqoonta ardayda.

Madaxa Hay`adda shaqadoon ee Bosaso Cabdiraxman Cabdirasaq Ciise ayaa xusay shaqa la`aanta jirta iyo dhibaata ay ku hayso dhalinyarada waxbratay taas oo abuurikarta khataro badan oo soo wajahada dhalinta Soomaaliyeed noloshooda.

Sidookale waxaa ka hadlay aqoon iswaydaarsiga madaxa mashaariicda rugta ganacsiga ee Puntland Maxamed Maxamuud Cusmaan isga oo shaaciyey in tababaradu ay kordhinaya xirfadaha shaqo ee ardayda ayna diyaar uyihiin dhankooda in ay ka qayb qaataan tababaradaas.

Shirkadihii ka soo qayb galay oo ay ka mid ahaayeen Salaam Bank, Somtel, Towfiiq iyo qaar kale oo badan ayaa dhammaantood soo dhaweeyeen fikradda ah in ardayda jaamacadda la siiyo tababaro ay aqoontooda ku kobcinayaan.

Ugu dambayn waxaa lagu soo gaba-gabeeyey aqoon iswaydaarsiga dood cilmiyeed lagu lafa guray shaqa la’aanta haysata dhalinyarada iyo sidii looga bixi lahaa iyada oo ay ka soo qayb galayaashii hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo sidii loo kobcin lahaa xirfadaha ardayda. Aqoon iswaydaarsiga ayaa ku soo gaba gaboobay jawi wanaagsan.

Horseed Media 2017.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *