Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay safarkii uu ku tagay degmada Qandala-Dhegayso

Published: January 9, 2017

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa ka hadlay safarkii uu ku tagey degmada Qandala ee gobolka Bari, kadib markii Puntland ay dib ugala wareegtay maleeshiyada Daacish.

Dr.Gaas ayaa sheegay in booqasho uu ku tagey degmada Qandala ay tahay mid loogu kuur gaalyo xaaladda degmada

…Waa muhiim in dadka loo yimaado, isla markaana la ogaado baahiyahooda in dhibta gaartay waaye muhiimaddaahadda ayuu yiri Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Waxa uu intaasi ku daray madaxaweynaha Puntland in uu socdaal ku maray gudaha degmada, isla markaana kooxdaasi ay geysteen dhibaatooyin badan.

… Waxaa soo maray xaruntii caafimaadka ee degmada, iyadoo ay bur-buriyeen talaagadii lagu keydinayey daawada, waxa ay bili liqeysteen saldhigii booliska oo waxa ay kala baxeen albaabadii, soolarkii sarnaa oo la dhaceen xabado, nimankiisana ayuu hadalkiisa ku dara Prof. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas

Ugu dambeyn madaxweynaha Puntladn ayaa sheegay in magalaada la dejin doono ciidamo ka tiran Puntland si ay u sugaan amniga magaalada.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *