Dhibaatooyinka ka taagan dhulka loo hayaamey ee roobabku ka da’een- VIDEO

Published: January 10, 2017

Afarti sano ee danbeysey gobolada dhaca Waqooyiga iyo bartamaha Soomaaliya ayaan si wanaagsan u helin xiliyada roobka, waxaana dadku marba dhinac ugu hayaamayeen roobab ka da’ayey goboladaas qaarkood. Sanadkii la soo dhaafey ayaa xaaladdu ahayd mid aad u adag oo waxaa in badan oo Soomaaliya ka mid ah seegtey labadii xili ee roobabku di’i jireen.

Bishii Diseembar 2016 waxaa roobab xoogbadan oo dabaylo wataa ka da’een deegaano hoostaga Bandar Bayla, Xaafuun iyo Iskushuban, waxaana arrintaasi kaliftey in ay halkaas gaaraan reer guuraagii ugu badnaa abid kuwaas oo ka yimid gobolada Sanaag, Togdheer, Sool, Waqooyi Galbeed, Mudug, Nugaal, meel kamid ah Galguduud iyo weliba Kililka shanaad.

Wararku waxay sheegayaan dadka halkaas isugu tegey waxaa soo foodsaarey dhibaatooyin aad u badan oo ay kamid tahay, cunno yari, iyo dhibaato ka dhalatey gaadiidka maadaama dadku aysan wadan wax ay biyaha ku doontaan, xoolaha ay wataan ayaa ah kuwo caato ah taas oo aan u saamaxayn in ay iibgeeyaan.

Xaaladda ayaa laga dayrinayaa sida ay noqon karto todobaadyada soo socda haddii aan wax laga qaban.

Hay’adda Nabadda hormarinta iyo Cilmi baarista ee PDRC ayaa filim ka diyaarisey hoos ka daawo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *