Israel oo weerar ku qaaday Qoyska Ninkii dilay askartooda – VIDEO

Published: January 10, 2017

Ciidamada Israel ayaa burburiyey goob ay ka dhaceysay tacsida ninkii geystay weerarkii lagu dilay askartooda ee Axadii ka dhacay magaalada Qudus.

Weerarkaasi oo uu geystay nin Falastiini ah oo 28 sano jir ah ayaa waxaa ku dhintay 4 askari oo Yuhuud ah, sadex kamid ah yihiin haween.

Booliiska Israel ayaa kadib weerarkaasi cadaadis saaray xaafadaha Falastiiniyiinta degen yihiin ee ku yaal magaalada barakeysan ee Qudus.

Waxay ciidamadan ay xabsiga dhigeen ugu yaraan shan xubnood oo kamid ah Qoyska ninka weerarka geystay, waxay sidoo kale ciidamadan weerar kale ku qaadeen goobtii ay ka dhaceysay tacsida ama xuska ninkaasi reer Falastiin ah.

Muddooyinkii danbe waxaa soo kordhayey weerarada ay geysanayaan shacabka reer Falastiin gaar ahaan dadka ku dhaqan Daanta Galbeed iyo magaalada Qudus, weeraradaasi oo ay Falastiiiniyiinta sheegayaan inay sabab u tahay gabood falada ay Israel ku heyso shacabka reer Falastiin.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *