Madaxweyne Xasan Sheekh oo la saftey Cabdikariim Guuleed

Published: January 10, 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadley xilka qaadida Xildhibaanada Galmudug ay ku sameeyeen Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ahaa saaxiib aad ugu dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh. Xasan Sheekh ayaa ka digay xasillooni darro siyaasadeed oo xiligaan ka dhacada degaanada Dowladda Gobolleedka Galmudug.

Madaxwweynaha ayaa sheegay inaan xiligaan la aqbali karin khal-khal siyaasadeed ee u dhaxayeeya Xildhibanaada iyo Madaxda Galmudug , iyada oo la ilaalinayo ,Habraaca Baarlamaanka Galmudug islamaraana la dhowro fasaxii uu ku jiray Baarlamaanka Galmudug iyo Dastuurka Galmudug.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ku baaqay in la texgeliyo daruufaha gaarka ah ee ka jira degaanada Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ee Xildhibaanadu sheegeen in ay xasaanadii ka xayuubiyeen ayaa isagyna diidey in uu u hoggaansamo go’aanka inta badan Xildhibaanadu gaareen.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *