Wasiir ku xigeenkii howlaha guud ee Puntland oo is casilay

Published: January 10, 2017

Wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland-Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax oo ku magac dheer Dujaana ayaa sheegay in uu xilka iska casilay, kaddib markii uu la hadlay warbaahinta

…Waxaan isku casilay arrimo shaqsi ah iyo culeys dhanka beeshayda, beeshaydu cabasho ayey ka muujisay wax qeybsiga xildhibaanada labada aqal ee dhawaan lagu doortay magaalada Garoowe ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax .

Wasiirka ayaa sheegay in uu ka sii shaqeyn doono horumarka Puntland isla markaana shacabka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan horumarinta iyo midnimadooda

…Waxaan u mahad celinayaa Puntland, waanku faraxsanahay mudadii aan shaqeynayay ayuu mar kale yiri Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax

Waa wasiirkii labaad oo ka tirsan Puntland oo xilka iska casilo.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *