Madaxweynaha Puntland oo Hambalyo u Diray Guddoomiyaha Barlamaanka ee La doortay

Published: January 11, 2017

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu hambalyeeyay guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka oo mar kale ay xildhibaanadu u doorteen xilkaasi muddo afar sanno

Madaxweynaha ayaa khudbadiisii sanadlaha ahayd ee uu ka jeediyay madaxtooyadda Puntland ee Bosaso waxaa uu kaga hadlay doorashadii guddoonka Barlamaanka Soomaaliya, taasi oo uu ku soo baxay Maxamed Cismaan jawaari oo mar kale loo doortay xilkaasi.

” annagoo ka faa’iidaysanay fursadan, waxaan halkan hambalyo uga dirayaa guddoomiyaha cusub ee barlamaanka 10naad Soomaaliya oo maanta la doortay Maxamed sheekh cismaan Jawaari oo ku guulaystay cod aqblabiyad ah oo 142, hambalyo ayaan leeyahay guddoomiyaha Cusub ee gollaha shacabka Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinac kale, Madaxweynaha Puntland wuxuu hambalyo u diray Axmed Xuseen Dirir oo ra’isul wasaaraha dalka Canada u magacaabay Wasiirka Socdaalka iyo qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalkaasi Cannada, wuxuuna tilmaamay in magacaabistiisu u tahay sharaf u soo korortay ummada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, ayna muujinayso karti iyo aqoonta dadka Soomaaliyeed.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *