Madaxweynaha Puntland oo ka qeyb galay xaflad Lagu soo bandhigayey waxqabadka ciidanka Asluubta-Sawiro

Published: January 11, 2017

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa ka qayb galay xaflad lagu soo bandhigayey waxqabadka ciidanka asluubta Puntland ee sanadkii 2016.

Bandhiga waxqabadka ciidanka Asluubta puntland ee 2016 waxaa madaxweynaha kala qayb galay wasiirka wasaarada cadaalada diinta iyo awqaafta ee Puntland, maamulka gobolka bari iyo kan degmada Bosaso, saraakiisha ciidamada kala duwan ee Puntland iyo masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn soo kormeeray xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso kasoo ay ku sugnayeen saraakiisha cidanka kasluubta puntland, waxaana ay ku soo bandhigeen qaybo ka mida waxqabad koodii sanad kii tegey ee 2016. Islamarkaana ay waxbadan ka bedeshey tayada aqooneed ee maxaabiista ku xiran xabsiyada Puntland.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeerka kadib sheegay inuu aad ugu bogaadinayo waxqabadka lataaban karo ee ay soo bandhigeen, isla mar ahaantaana ay ku tayeynayaan ciidanka asluubta iyo sidoo kale maxaabiiska ku jira xabsiyada Dawladda puntland.

´` Ciidamada Asluubta runtii waa ciidamo hogaan fiicana helay wax qabad dhabana muujiyey aad baan u bogaadinaynaa dhamaantood, sidoo kale waxaan aad iyana ugu mahad naqaynaa hawl wadeenada wasaarada cadaalada Puntland oo iyana gacan weyn ka geystey sidii ay u qabsoomi layhayd wax qabadkan qiimaha leh ee ay maanta soo bandhigeen cidamadu, guul baan idiin rajaynaynaa dhamaantiin sanadkan sanadkiisa kale insha allah waxaan alleh idiin waydiinaynaah inuu idin ku gaarsiiyo horumar kan ka sareeya“ ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale taliyaha ciidanka Asluubta Puntland ayaa sheegay inay aad ugu amaanayaan wadashaqaynta wanaagsan ay la leeyihiin madaxda sare ee Puntland iyo sidoo kale masuuliyiinta wasaarada cadaalada diinta iyo awqaafta ee Puntland.

Wasiirka wasaaradda cadaaladda diinta iyo awqaafta ee Puntland ayaa isna dhankiisa sheegay in ciidamada Asluubta Puntland ay mudan yihiin ku dayasho madaama ay waxqabad lataaban karo ku celinayaan dalkooda iyo dadkooda isla markaana ay tayaynayaa tayada ciidamada Asluubta iyo sidoo kale tan maxaabiista.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gudoon siyey shahaado sharaf xabsiga weyn ee magaalada Bosaso taasoo ay ku mutaysteen waxqabad ka lataaban karo ee ay soo bandhigeen sanadkii tegey ee 2016-ka, waxaana uu madaxweynuhu ku booriyey ciidamada Asluubta Puntland inay dedaalka iyo waxqabadka tayadaleh ee ay ku hawlan yiihin sii tayeeyaan kulana baratamaan xirfadleyda kale ee ay isku shaqada yihiin.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *