Natiijada Doorashada oo Si Rasmi ah Loogu dhawaaqay iyo Jawaari oo Noqday Afhayeenka Barlamaanka – VIDEO

Published: January 11, 2017

Xildhibaan Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku guulaystay guddoonka barlamaanka federaalka Soomaaliya, Doorasho aad u adag oo maanta ka dhacdey hoolka shirarka ee baarlamaanka Soomaaliya oo hadda loogu yeero Aqalka Hoose.

Guddoomiyaha Kumeel gaarka ah ee barlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ku dhawaaqay natiijadii codaynta doorashadda, wuxuuna sheegay in 259 mudane ay codeeyeen, waxayna noqotay natiijadii sidatan.

“Xildhibaan Prof Max`ed Cismaan Jawaari wuxuu helay 141 cod.xildhibaan C/rashiid Max`ed Xidig wuxuu helay 97 Cod,C/fitaax Max`ed Geeseey wuxuu helay 17 Cod,Xildhibaan Idir Aadan Dhatar waxay heshay 2 cod,Labo codna waa xumaadeen” sidaas waxaa yiriCismaan Cilmi Boqorre.

Afhayeenkii Baarlamaanka federaalka waxaa afarta sanno ee soo socoto waxaa noqonaya xildhibaan Maxamed Shiikh Cismaan jawaarioomar kale loo doortey xilkaas

Gabagabadii, Guddoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Prof Jawaari iyo Xildhibaanadii uu ka guulaystay ayaa khubadodo u jeediyay barlamaanka, iyagoo ugu hambalyeeyay guddoonka cusub xilka loo doortay, iyadoo afhayeenka cusub uu u mahadeliyay xildhibaanadda doortay iyo shir guddoonkii barlamaanka.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *