Wafti uu Hoggaaminayo Cabdikariim Guuleed oo Gaaray Cadaado-VIDEO

Published: January 11, 2017
Wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynihii xilka laga qaaday ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee dawlad goboleedka Galmudug.

C/kariin oo ka soo ambabaxay magaalada Muqdisho waxaa garoonka diyaaradaha degmada Cadaado ku soo dhaweeyay Madaxwayne ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi, xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxwaynaha Galmudug C/kariin oo saxaafadda la hadlay ayaa ku baaqay in loo hoggaansamo amarkiisii uu ku soo rogay galmudug Xaaladda deg degaa ah, wuxuuna soo jeediyay in amniga deegaanada Galmudug laga taxadaro

wuxuu kaloo ka hadlayxaaladaha abaareed ee ka jira deegaannada Galmudug, isagoo ku baaqay in la caawiyo dadka ay abaartu saamaysay.

54 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa kulan ay ku yeeshee magaalada Cadaado waxay kalsoonidii kala laabtay madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxayna meel mariyeen in madaxweynaha xilka laga qaado..

Go’aankaasi waxaa si weyn uga horyimid Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Guuleed, wuxuuna ku soo rogay degaamada galmudug xaalad deg deg ah muddo 90 maalmood ah.

Gabagabadii, xilka qaadista Cabdikariim guuleed waxaa sidoo kale ka hor yimid madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo la saftay Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ay xulufo dhow yihiin.


Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *