Afar Murashax oo u Gudbay Wareega Labaad ee Doorashada Guddoomiye K/xigeenada 1aad iyo 2aad ee Barlamaanka(Toos u Daawo)

Published: January 12, 2017

Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho oo ay ka socota doorashada guddoomiye ku xigeenada ee golaha shacabka ayaa waxaa loo gudbay wareegay labaad, waxaana isugu soo haray Afar murashax oo u tartamaya Guddoomiye K/xigeenka kowaad iyo kan Labaad.

Wareega Labaad ee doorashada guddoomiye K/xigeenka kowaad waxaa u gudbayXildhibaan Cabdiweli sheikh Ibrahim Muudey iyoXildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqadir.

Guddiga Qabqaabada doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada wareega kowaad ee doorashadda Guddoomiye kuxigeenka kowaad, waxayna noqotaynatiijiijadu sidatan:

Xildhibaan C/wali Sh Ibraahim Muudey 111 cod,

xildhibaan Faarax Sh C/qaadir 94 cod,

xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye 26 cod,

xildhibaan Saciid Xuseen Ciid 17 cod.

Xildhibaan Jeylaani Nuur Iikar 4 cod,

Khaalid Macow 7cod.

Wareega Labaad waxaa u gudbay Afar murashax, hase yeeshee waxaa tanaasulay Khadiijo Maxamed Diiriye iyo xildhibaan Siciid Xuseen Ciid.

Dhinaca kale, Wareega kowaadee doorashadda Guddoomiye K/xigeenka Labaad oo ay ku tartamayeen 10 murashax, ayaa waxaa wareega Labaad u gudbay labo murashax oo codadkii ugu badnaa helay , kuwasoo kal ahMahad Cabdalla Cawad iyo Cabdiqadir Sheekh Baqdaadid, mana jiri doonto wareeg saddexaad madaama ay tanaasuleen murashixiintii kale ee wareega labaad u soo gudubtay.

Natiijadda Doorashada Horseed Kala Soco

Horseed Media 2017

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *